Naga caawi soo gabo gabaynta qorsheynta isbadellada adeegga baska ee Capitol Hill, Central District, First Hill, iyo Madison Valley.
Xog uruurinta Area Bus Service Change Project (Mashruuca Isbadelka Adeegga Baska ee Aaga) Madison Street ayaa hadda xirmay. Waad ku mahadsan tahay ka qaybqaadashada! Waxaan dib u eegaynaa fikirkaaga waxaana dhammaadka sannadka wadaagi doonaa wejigayaga labaad ee ka-qaybgalka bulshada. Waxaan sanadka 2024 Council (Golaha) King County u diri doonaa khadka baska kama danbaysta ah.
Isbadelladaan adeegga baska ayaa taageeri doona marinka cusub ee RapidRide G Line, iskaashi u dhexeeya King County Metro iyo Seattle Department of Transportation (Waaxda Gaadiidka ee Seattle), ayaa siinaaya gaadiid joogto ah oo la isku halayn karo rakaabka aadaaya Downtown Seattle, First Hill, Capitol Hill, Central District iyo Madison Valley.
Si aad xog badan uga ogaato dhismaha mashruuca RapidRide G Line, booqo websaydka SDOT.

Maxay Metro u badelaysaa Adeegga baska?
Ayadoo marinka cusub ee RapidRide G Line la filaayo inuu keeno adeeg joogto ah oo la isku halayn karo oo ka shaqeeya aagga Madison Street dhammaadka 2024, Metro ayaa wax ka badelaysa marinadeena baska ee aagga si rakaabku u helaan gadiid wanaagsan oo geeya meesha ay doonayaan inay tagaan.
Xiligii Gu'ga ee 2023, Metro ayaa uruurisay fikradaha intii lagu jiray wajigeenii koowaad ee fikir uruurinta lagu sameeyay rakaabka iyo xubnaha bulshada ee ku aadan isbadellada marinnada ee la soo jeediyay ee routes 10, 11, 12 iyo 47. Metro ayaa uruurisay fikradaha rakaabka iyo bulshada, oo ay la socdaan qiimeynada sinaanta iyo adeegga, si aan ugu biirino go'aan gaaristeena.
Sidee ayay Metro ku gaaraysaa go'aannada ku saabsan isbadellada adeegga baska?
Maxaan ogaanay?
Inta lagu jiray fikir uruurinta wajiga koowaad, Metro ayaa heshay fikrado oonlayn ah iyo kuwo toos ah oo laga qaaday rakaabka iyo xubnaha bulshada oo ka qaybgalay kulannada bulshada iyo munaasabadaha kediska ah. Xog uruurin laga helay 2027, kuwaas oo buuxiyey ra'yi uruurin iyo 267 qof oo nagula hadlay bandhigyada furan iyo Xafladaha, oo ay la socdaan qiimeynada sinaanta iyo adeegga ayaa gacan ka gaystay go'aan gaarista Metro.
Routes 10, 11 iyo 12
- Soo jeedinnada Route 10 iyo Route 12 ayay taageereen dadka fikradaha dhiibtay si loo kordhiyo adeegga tagaaya goobaha muhiimka ah ee ku yaala Pike Street iyo Pine Street.
- Soo jeedinta Route 11 ayay taageereen in ka badan nus ka mid ah dadkii xog uruurinta ka jawaabay. Soo jeedinta Route 11 (oo ay la socoto Route 8) ayaa bixinaaya adeegga joogtada ah ee maalinta oo dhan, asbuuca oo dhan, oo ka dhex shaqaynaaya goobata Olive Way, John Street, iyo Thomas Street – sida Capitol Hill Station, Safeway, Kaiser Permanente, Meany Middle School, iyo meelo kale.
Hadda Waa La Joojiyay Route 47
- Soo jeedinta ah in si rasmi ah meesha looga saaro Route 47 waxaa taageeray in ka yar rubuc ka mid ah dadkii xog uruurinta ka jawaabay. Waxaa intaas dheer, Metro ayaa ogaatay in dadka la nool naafada jirka ah aysan inta badan taageerin soo jeedinta ah in meesha laga saaro Route 47 marka loo eego dadka aan qabin naafada jireed.
- Xubnaha bulshada ayaa u sheegay shaqaalaha Metro in helista gaadiidku ay ku adkaan karto qaar ka mid ah dadka qaba caqabadaha socodka ee dagan aaggaan dadka badan ee Capitol Hill sabab la xiriirta taagaga dhaadheer ee aada bari iyo galbeed.
Si aad xog badan uga ogaato fikradaha aan helnay, ka fiiri Warbixinta Kooban ee Fikradaha Bulshadu Ka dhiibteen Wajiga Koowaad.
Maxaan Samaynaynaa?
Routes 10, 11 iyo 12
Metro ayaa ku dhaqaaqaysa fulinta isbadellada la soo jeediyay ee lagu samaynaayo routes 10, 11 iyo 12 si:
- Loo siiyo adeeg joogto ah goobaha muhiimka ah ee ku yaala Pike Street, Pine Street, Olive Way, iyo John Street halkaas oo baahiyaha gaadiidku ay ugu badan yihiin, dadka gaadiidka raacana ugu badan yihiin.
- Si loogu xiro bulshada ku dhaqan 15th Ave and 19th Ave goobaha ku yaala Pike Street iyo Pine Street, iyo Sound Transit light rail oo ku yaala Westlake Station.
- In lagu yareeyo labo jibaaranka marinka cusub ee RapidRide G Line ayadoo dib loo habaynaayo routes 11 iyo 12 ee qaybaha Madison Street – ee uu G Line ka hawlgalo.
Hadda Waa La Joojiyay Route 47
Metro waxay wali qiimeyn ku wadaa isbadellada adeegyada baska ee xaafada Summit waxayna dooneysaa fikirkaaga ku aadan Route 47:
- Intii u dhexaysay 2015 iyo 2020 xaafada Summit waxaa u adeegay adeegga nus saaciiba mar yimaada 7 maalmood asbuucii, kaas oo mara Summit Ave iyo Bellevue Ave ee Route 47. Bilowgii sanadkii 2020, waxaa loo xiray sabab la xariirta saamaynada COVID iyo luminta maalgelinta Shaqada ee Magaalada Seattle.
- Ayadoo lagu saleynaayo fikradaha bulshada iyo rakaabka ee la uruurshay intii lagu jiray ka qeybgalka wajigii koowaad, iyo qiimaynada sinaanta iyo adeegga, Metro waxay ka fiirsanaynaa xulashooyinka si ay uga caawiyaan u adeegista galbeedka Capitol Hill waxaana u baahan nahay fikirkaaga si aan u go'aansano xulashada ay tahay inaan qaadano.
City of Seattle Transit Streets (Wadooyinka Gaadiidka ee Magaalada Seattle)
Dhammaan isbadellada marinnada ee lagu sameeyay adeegga routes-ka basaska Metro ee Xulashada A iyo Xulashada B ayaa wali ansixin ka sugaaya Magaalada Seattle.
Seattle Transit Isbadellada Maalgelinta Hanaanka Gaadiidka ee Seattle
- Magaallada Seattle waxay qorsheynaysaa inay badesho meesha Seattle Transit Measure (STM), Hanaanka Gaadiidka Seattle) uu maalgelin ku samayn doono mashruuca aagga. [insert the nature of the changes]. Isbadellada La soo jeediyey ee maal gashiyada adeegga STM ayaa lagu muujiyay labada shaxaha isku socodka ee Xulashada A iyo Xulashada B
Shaqada iyo jadwalka Mashruuca
Gu'ga 2023 Wajiga 1-aad – Wadaagista iyo uruurinta fikradaha ku aadan Isbadellada wadada baska ee la soo jeediyay
- La wadaagista qorsheyaasha adeegga dadwaynaha iyo rakaabka si ay fikir uga dhiibtaan.
- Bixinta xog ku aadan bulshooyinka diirada la saaraayo ayadoo la adeegsanaayo wacyi gelin oonlayn ah iyo mid toos ah.
- In la bixiyo xogta luuqadaha badan ee webseedka, xog uruurinta, iyo waraaqaha tilmaamaha ayna ku jiraan kulanno toos ah.
- Xog ka uruurinta shaqaalaha basaska.
- In xog laga siiyo xubnaha Golaha Deegaanka ee Magaalada Seattle iyo King County qorsheyaasha la soo jeediyay.
Xagaaga 2023 Wajiga 2-aad – Wadaagista iyo uruurinta fikradaha ku aadan Isbadellada wadada baska ee la soo jeediyay ee wax laga badelay
- In lala wadaago soo jeedinnada wax laga badelay dadwaynaha iyo rakaabka iyo in laga qaado fikirkooda si qeexitaan dheeri ah looga baxsho isbadellada.
- In la sharxo sida soo jeedinnada adeeggu ugasoo gudbeen wacyi gelinta wajiga 1 ayadoo la adeegsanaayo dedaallada xogta, qiimaynta sinaanta, iyo miisaaniyada shaqada ee Metro iyo Seattle
- In la sii wado wacyi gelinta ayadoo la adeegsanaayo xariira onleenka iyo kuwa tooska ah.
- Xog ka uruurinta shaqaalaha basaska.
- In xog laga siiyo xubnaha Golaha Deegaanka ee Magaalada Seattle iyo King County qorsheyaasha la soo jeediyay.
- Soo gabo-gabaynta falanqeynta sinaanta.
Gu'ga 2024 – Diyaarinta iyo Soo Gabo-gabeynta Furista Adeegga
- In loo diro shabakada kama dambaysta ah ee adeegga Metro Executive Office (Xafiiska Fulinta ee Metro).
- King County Executive ayaa u diraaya shabakada kama dambaysta ah ee adeegga Dawlada Hoose ee King County si ay u dhaqangeliso.
- Qorshaynta wacyi gelinta iyo dhaqangelinta bulshada.
- Diyaarinta iyo Soo Gabo-gabeynta Furista Adeegga Dayrta 2024.
Munaasabadaha
Nagu soo biir munaasabadaha tooska ah si aad xog badan uga ogaato mashruuca. Shaqaalaha mashruuca ayaa diyaar u ahaan doona inay ka jawaabaan su'aalo ayna kula wadaagaan xogta mashruuca. Kaalay la hadal kooxdeena!
Open houses
Munaasabadaha kediska ah
Thursday, August 3 - 10:00AM to 1:00PM
Seattle Central College
1701 Broadway
Sunday, August 6 - 11:00AM to 2:00PM
Seattle First Baptist Church
111 Harvard Ave
Thursday, August 10 - 10:00AM to 12:00PM
Virginia Mason Hospital
925 Seneca St
Sunday, August 20 - 11:00AM to 3:00PM
Capitol Hill Famers Market
E Barbara Bailey Way
Sunday, August 27 - 12:00PM to 5:00PM
Gay City: Xarunta LGBTQ ee Seattle
400 E Pine St
Thursday, August 31 - 4:00PM to 6:00PM
Community Roots Housing
12th Avenue Arts; 1620 12th Ave